Maxay tahay SIRTA ka dambeysa Jir Dhismeedka Ronaldo ee aan Innaba caadiga ahayn!!??

(Europe) 19 Abriil 2018. Cristiano Ronaldo ayaa Maaliyada siibtay isla markaana markale caalamka tusay Jir dhismeedkiisa aan innaba caadiga ahayn ciyaartii ay Champions League uga reebeen naadiga Juventus.
Xiddiga reer Portugal ayaa sidaa oo kale sameeyay 2014-kii markii ay Champions League ka qaadeen kooxda Atletico Madrid islamarkaana uu dhaliyay Rigooradii guusha.
Haddaba waxaa la is waydiiyay Sirta ka dambeysa inuusan is badelin Jir dhismeedka Ronaldo.
Daily Mail ayaa daaha ka rogtay iyadoona soo heshay waxyaabaha uu sameeyo Ronaldo taa oo keentay inuu Jirkiisa had iyo jeer qurux badnaado.
Haddaba CR7 ayaa qaada talaabooyinkan:
Ronaldo ayaa kulan kasta kaddib ku dabaasha Waaskada guriga ugu taala, kalgiis ayuu sidaa sameeyaa aba wuxuu la dabaashaa wiilkiisa curadka ee Cristiano Jnr.
Waxaa intaa xigta inuu ku qubeysto biyo Qaboow iyo Kuleel, dabadeed waxa loo duugaa murqahaa (Masaajo)
Cryotherapy treatment ayaa ugu xigta, biyo aad u qaboow oo lagu daweeyo xanuunka iyo dhaawacyada si uu jirka dib ugu soo nooleeyo.
Waxaa sidoo kale ka mid ah sirta uu isticmaalo Ronaldo inuu si joogta ah u cabo biyaha inta uu tababarka ku jiro.
Ugu dambeyna Ronaldo ma isticmaalo wax aalkolo leh, ma isticmaalo Dufanka iyo sidoo kale Sokorta.
Haddaba haddii aad dooneyso inuusan is badelin jir dhismeedkaaga raac talooyinka Ronaldo.
Gool FM.