Kooxda Barcelona oo War Farxada ka Heshay Xarunta Tababarka

( Spain ) 19 April 2018. Naagida Barcelona ayaa isku diyaarineysa kulanka Maalinta Sabtidaa ee fiinaalka Copa del Rey, laakiin kooxda waxey war wanaagsan ka heshay xaalada laacibkooda qadka dhexe Ivan Rakitic oo si buuxda ula tababartay saaxiibadiis kooxda.
Xiddiga kasoo jeeda Dalka Croatia ayaa maqnaa kulamadii dambe kadib markii qaliin looga sameyay jab kasoo gaaray mid kamid ah farihiisa gacanta bidix.
Macalinka kooxda Ernesto Valverde ayaa doorbiyay xagaagan inuu isticmaalo hab ciyaareedka 4-4-2, taasoo laacibkii hore ee naadiga Sevilla siisay fursad fiican uu qadka dhexe kala ciyaaro Sergio Busquets.
Hogaamiyihii hore ee kooxda Athletic Club ayaa ku farxi doona inuu dib u helo isaga ka hor inta uusan xulan ciyaartoda Madrid kusoo ciyaareysa Finalka Copa del Rey.
Inkastoo uusan kusoo bilaabin kulankii ay bar baraha galeen hal laacib oo kasoo baxay xarunta La Masia waa mid lagu dhaleeceyay macalink nimaadkiisa xulashadaas, laakiin Valverde ayaa xoojin doona kooxda kulankan iyadoo uu safka u kusoo daray laacibka Da’yarta ee Carles Alena oo tababarkii maanta qeyb ka ahaa.
Gool FM.