Julio Cesar oo daaha ka qaaday fariintii Mourinho uu ku bahdilay Iker Casillas waqtigiisii Real Madrid

(Madrid) 19 Abriil 2018 Julio Cesar ayaa fakiyay sir wayn oo ku aadan fariin uu u soo diray tababare Jose Mourinho taas oo uu ku weerarayay Iker Casillas oo waqtigaas ay wada joogeen Real Madrid.

Mourinho ayaa tababare ugu soo ahaa Julio Cesar kooxda Inter Milan, wuxuuna la qaaday Champions League, wuxuuna kadib u soo dhaqaaqay Real Madrid.

Tababaraha reer Portugal ayaa laga warhelay isku dhac u dhexeeya isaga iyo goolhaye Iker Casillas oo waqtigaasna ahaa kabtanka Real Madrid, Mourinho ayaa keydka ku cabay goolhayaha reer Spain isaga oo keensaday Diego Lopez.

Image result for Julio Cesar Casillas

Xulalka Spain iyo Brazil ayaa isaga horyimid Final-ka Confederations Cup ee 2013, Julio Cesar iyo Iker Casillas ayaana goolka u kala haayay labada dhinac.

Brazil ayaa 3-0 ku adkaatay, waxaana xusid mudan in Ramos uu rigoore ka qasaariyay Spain kulankaas taas oo uu amaan ku mutay goolhaye Julio Cesar.

Dhamaadkii ciyaarta goolhaye Julio Cesar ayaa funaanada ka badashay Iker Casillas, arinkaas waxaa aad uga xumaaday tababare Mourinho, Julio Cesar ayaana ka sheekeeyay sidii ay wax u dheceen:

“Waxaan helay funaanada Casillas kadib guushii aan ka gaarnay Spain si dhiirogalin ay iigu noqoto wixii aan qabtay, markii aan soo galay qolka dhar badalka waxaan taleefankeyga ku arkay fariin iiga timid Mourinho” ayuu yiri Julio Cesar

“Fariinta ayaa ahayd sidaan, Ma waalan tahay? Casillas ayeey ahayd inuu kaa qaato funaanadaada ee ma ahayn inaad adigu ka qaadato, xitaa haddii aad leedahay kaliya hal gacan waad badbaadin lahayd kubaddaha inkabadan Casillas”.

Julio Cesar oo sii wada hadalkiisa ayaa yiri:

“Casillas ayaa iigu soo galay qolka dharbadalka si uu iigu hambalyeeyo isla markaana uu iila sheekeysto, waxaan siiyay talooyin ku aadan Mourinho iyo sababta keentay fariinta weerarka ah ee uu ii soo diray”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close