Jose Mourinho Oo Lacago Rikoor Ah Miiska U Saaray Kooxda Barcelona Si Uu Kaga Soo Qaato Goolhaaye Ter Stegen.

(England) 19 Abriil 2018 Wargeyska “Don Balón” ee dalka Spain ayaa wuxuu dhawaan shaaca ka qaaday in Jose Mourinho uu doonayo lasoo saxiixashada goolhaaye Ter Stegen, marka uu furmo suuqa xagaaga.

27-jirka reer Spain ee David de Gea ayaa ku dhow inuu ka tago safka kooxda Manchester United suuqa xagaaga ka dib marka uu xiiso balaaran kaga yimid Real Madrid.

Real Madrid ayaa dooneysa in xili ciyaareedka soo aadan ay kasoo dajiso garoonka Santiago Bernabéu goolhaayaha kooxda Manchester United ee David de Gea, si xili ciyaareedka soo aadan ay kaga dhigato badalka Keylor Navas oo xili ciyaareedkan qaadanaya qaab ciyaareed aan wanaagsaneen.

Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu ku amray maamulka Manchester United in ay diyaariyaan qiimaha lagu kansali karo heshiiska Ter Stegen uu ku joogo kooxda Barcelona ee gaarsiisan aduun dhan 157 milyan oo ginni, si ay ula soo saxiixdaan xili ciyaareedka xiga.

Jose Mourinho ayaa isku diyaarinaya inuu ciyaartoy badan ka iibiyo Manchester United si uu ugu helo lacag ku filan oo uu Ter Stegen kaga soo qaato kooxda Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close