HOWLGAL: Ernesto Valverde Oo Magacaabay Xidigaha Uu Doonayo Inay Ka Dhaqaaqaan Kooxda Barcelona

(La Liga) 19 Abriil Wargeyska “Don Balón” ee dalka Spain ayaa sheegay in tababare Ernesto Valverde uu magacaabay xidigaha isaga tagi doona garoonka Cump Nou suuqa xagaaga ee soo aadan.

Barcelona ayaa xili ciyaareedkan kaga soo hartay tartanka xiisaha badan ee Champions League-ga si aanan la filaynin, kadib markii ay guuldaro kala kulantay dhigeeda AS Roma ee dalka talyaaniga kulankii lugta labaad wareega siddeed dhamaadka ee UCL.

Sidaas darteed macalinka reer Spain ayaa waxay arintan ku qasbeysaa isla markaana uu go’aansaday in garoonka Cump Nou uu gabi ahaanba ka fasaxo labada xidig kala ah André Gomes iyo Paco Alcácer, maadaama uusan ku qancin qaab ciyaareedkooda.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in  Barcelona ay ka fikireyso inay ogolaato dalab kaga yimid kooxda Valencia oo ay ku dooneyso in labadan ciyaaryahanba xili ciyaareedka xiga ay ku iibsato aduun dhan 60 million euros, si dhaqaalaha kasoo xarooda ay Blugarana ugu sameesato saxiixyo cusub.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close