Hogaamiyaha Kooxda Roma Di Francesco oo ka Badali kara Shaqada Chelsea Macalin Antonio Conte

( Italy ) 18 April 2018. Macalimiinta kooxaha Roma iyo  Napoli Eusebio Di Francesco ama Maurizio Sarri ayaa kamid ah hogaamiyaal dhawra oo lala xariininayo shaqada kooxda England ee Chelsea.

Sida ay warisay Daily Telegraph, maal qabeenka kooxda Blues Roman Abramovich wuxuu indhaha ku hayaa dhawr macalin oo xilka ka badali karta xagaaga dambe Antonio Conte, waxaana ku jira laba hogaamiya oo ka shaqeeya horyaalka talyaaniga.

Macalinka Napoli ma ahan markii ugu horeesay oo ay xiiseneyso kooxda Stamford Bridge, waxaana qaab maamulkiisa ciyaareed horay u amaanay hogaamiyaha Manchester City  ee Pep Guardiola.

Sawirka la xidhiidha

Di Francesco waa mid hadda soo galay liiska macalimiinta shaqadaas la wareegi karta, siduu warinayo wargeyska, kadib bandhigii uu ka sameyay tartanka Champions League oo ay ku beegmeen kooxda Liverpool Semi-finalkiisa.

Roma ayaa horay ula ciyaartay kooxda Chelsea ciyaaraha heerka groupka ee tanartaka Champions League xagaagan – waxeeyna uga adkaadeen 3-0 kulankii ka dhacay  Stadio Olimpico – sido kale Atletico Madrid ka hor inta aysan kulamada bug baxaa kasoo bixin kooxaha Shakhtar Donetsk iyo Barcelona.

Macalin Di Francesco waa xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay uu maamulo naadiga Roma iyo sido kale xagaagiisii ugu horeyay ee tartanka  Champions League, wuxuu horay tartamada yurub usoo leyliyay kooxda Sassuolo koobka Europe League.

Gool FM.       

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close