Heegan oo guul dhib la’aan ah ka gaartay Gaadiidka

(Muqdisho) 19 April 2018- Kooxda Heegan ayaa guul ka gaartay naadiga Gaadiidka ciyaar xiiso badan oo galabta ka dhacday Garoonka Koonis.
Kullanka ayaa waxaa u soo daawasho tagay taageerayaal fara badan, waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 2-1 oo ay ku oggaaminayso Heegan.
Kooxda Ciidanka booliska ayaa goolasha ka heshay xiddigaha Catoosh iyo Jilius halka Gaadiidka goolka uu u dhaliyay Xuseen Dabaaso.
Markii dib la isugu soo laabtayqabtii labaad ee ciyaarta xiddiga Cabdiyoow ayaa Heegan u keenay goolkii saddexaad waxaana kulanka uu ku soo dhamaaday 3-1.
Sikastaba Heegan ayaa iminka leh 26 dhibcood,iydoo shan dhibac ka hoosaysa kooxda hoggaanka haysa ee Dekedda.
Gool FM