Cristiano Ronaldo oo Bar Bareeyay Rikoorkiisa ugu fiicnaa ee dhanka goolka Kulamada Real Madrid

( Spain ) 19 April 2018. Zinedine Zidane ayaa dhab ahaantii aaminsan Cristiano Ronaldo, xili laacibka Portugal uu dib ugu soo laabtay safka kooxda habeenkii arbacada wuxuuna bar bareeyay rikoorka uu gool dhalinaayo kulamada xiriika ah kooxda Real Madrid.

Gookii uu cirta ku dhaliyay ayey kooxdiisa kaga badbaaday guuldaro kadib markii gool looga hor maray ciyaartii ka dhacday Santiago Bernabeu oo ay la ciyaareen dhigooda Athletic Bilbao.

Goolka Ronaldo wuxuu la micno ahaa in laacibkii hore ee kooxda Manchester United uu shabaqa gaaray 12 kulan oo xariir ah, wuxuuna ciyaarahas ku dhaliyay  22 gool.

Sawirka la xidhiidha

Goolka uu habeenkii arbaca dhaliyay waa kisii 24-aad uu xagaagan ka dhaliyo horyaalka LaLiga, laakiin waa mid shan goolka ka dambeeya Lionel Messi marka loo eego tartanka gool dhalinta ee Abaalmarinta Pichichi, xili shan ciyaar ka hartay xili ciyaareedkan, Ronaldo wuxuu kusii socdaa inuu soo qabto ninka reer Argentine.

Cristiano  ayaa kulamada xiriika ah gool dhaliyay kooxahan soo socda: Sedax gool Real Sociedad, Laba gool PSG, Hal gool Real Betis, Laba gool Deportivo Alaves, Laba gool Getafe, Hal gool PSG, Labao gool Eibar, Afar gool Girona, Labo gool Juventus, Hal gool Atletico Madrid,  Hal gool Juventus, iyo Hal gool Athletic Club.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close