Arsenal Oo Ka Helaysa Horyaalka MLS Ee Dalka Mareykanka Musharax Cusub Ee Noqon Kara Badalka Arsene Wenger.

(Premier League) 19 Abriil 2018.Tababaraha Faransiiska ah ee kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa weli shaki galinayaa shaqada uu ka hayo naadiga Gunners, iyadoo uu hoos u dhac ku yimid natiijooyinka kooxda xili ciyaareedkan.

Iyadoo ay wararkan jiraan ayuu hadana wargeyska “L’Équipe” ee dalka France kasoo baxa wuxuu soo xigtay wararka ka imaanaya gudaha dalka England ee ku aadan in Patrick Vieira oo haatan da’adiisu gaarsiisan tahay 41 jir uu musharax u yahay inuu noqdo badalka Wenger.

Si kastaba Vieira ayaa la fahansan yahay inuu helay khibrad ku aadan shaqadiisa dhanka tababarka, xiliga uu ahaa kaaliyaha tababaraha kooxda da’ayarta ee Manchester City, waxaana uu haatan natiijo fiican ka helayaa kooxda uu leyliyo ee New York City.

Halyayga xulka qaranka France ee Patrick Vieira ayaa ka mid ah halyayada soo martay kooxda Arsenal gaar ahaan kuwooda ugu fiican, kadib markii uu soo xirtay maaliyada Gunners 400 ee kulan, wuxuuna qeyb ka ahaa jiilkii mucjisada ee kooxda reer London ka caawiyay in ay Gunners ku guuleysato koobkeedii ugu dambeeyay ee horyaalka Premier League sanadii 2004.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close