WARBIXIN: Waa Kuwee Horyaalada ilaa Hadda la Xaqiijiyay Hanashashooda Shanta Horyaalka ee Qaarada Yurub ugu Xiisaha Badan

( Yurub) 18 April 2018. Inta aynu kuguda jirno bartamaha bishan April waa la xaqiijiyay ku guuleystayaasha sedax kamid ah shanta  horyaal ee qaaraha yurub.

Sanad ciyaareedka 2017/18 waa mid sii dhamaanaya waxaana ka haray maalmo qura maamaada ay dhamaan horyaalada xirmi doonaa horaanta bisha May sababtoo ah waxaa fooda nagu soo haya ciyaaraha Koobka Aduunka 2018 oo Russia ka dhici doona.

Horyaalada England, Frenca, Germany iyo Holland ayaa ah kuwa ilaa haatay la xaqiijiyay kooxaha ku guuleystay.

Horyaalka Premier League waxaa u dabaalday tagay kooxda Manchester city kadib guuldaradii garoonkooda kusoo gaartay dariskooda united asbuucan,waxeyna city ka dhigan tahay mid hanatay horyaalka oo ka harsan tahay 5 kulan.

Bayern Muchin ayaa markii lixaad oo xiriir ah ku guuleysatay horyaalka Bundesliga Asbuucii hore, xili uu gabo gabo yahay horyaalkaas,

Natiijada sawirka manchester city Become Premier League title 2017/18

Natiijada sawirka Bayern Munich win sixth straight Bundesliga championship

Halka naadiga Paris Saint-Germain ay dib ugu soo laabatay  hanashada horyaalka France Ligua 1 kadib markii ay 7-1 ku gareen kooxda Monaco taasoo sanadkii hore ku guuleysatay horyaalka.

Sido kale horyaalka la xaqiijyay isna hanashadiisa waa  horyaalka Netherland ee Eredivisie waxaana qaaday kooxda PSV Eindhoven oo todobaadkan guul weyn ka gaartay dhigooda Ajex.

Shanta horyaalka ee qaarada yurub ugu waa weyn waxaa ka dhiman hanashadooda horyaalada Spain iyo Italy, horaayaalka La liga kooxda Barcelona ayaa hogaanka u heysa waana mid sagaashan iyo sagaal boqalkiisa ku dhaw hanashadiisa waxeyna u baahan yihiin kulamo yar si ay u xaqiijiyaan iyagoo waliba ah guuldaro la’aan xili ciyaareedkan.

Laakiin horyaalka Talyaaniga ayaa u baahnaan doona in la xaqiijiyo ku guuleysigiisa ilaa bisha soo aadan maadama ay juventus dhibco aan sidaas u badneen hogaanka ku heyso,waxeeyna yihiin kooxaha horyaalka kuwo aad isugu dhaw dhanka dhibcaha wallow juve ay u cad cadaan karto hanashada horyaalka markii todobaad oo xiriir ah.

Natiijada sawirka PSV Eindhoven

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close