Neymar oo u sheegay Real Madrid inay soo qaataan labo laacib oo ka ciyaara Premier League

(Madrid) 18 Abriil 2018 Neymar oo aad ugu sii dhawaanaya ku biirida Real Madrid ayaa farta ku fiiqay labo laacib oo ay tahay in kooxda lagula soo biiriyo.

Laacibka PSG ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii uu u xiran lahaa funaanada Real Madrid wixii ka danbeeya koobka adduunka ee Ruushka lagu ciyaarayo sanadkaan.

Sida ay baahisay Express, Neymar ayaa u sheegay maamulka Real Madrid inay dhamaystiraan saxiixa labo laacib oo ka ciyaara Premier League.

Image result for De Gea Salah

Xiddiga reer Brazil ayaa tilmaamay goolhaye David De Gea iyo waliba weerar yahanka Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo ku jira qaab ciyaareed fiican.

Neymar ayaa u arka labadaan laacib iyo isaga haddii ay halmar wada tagaan Real Madrid inay ku guulaysan karaan koobab badan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close