Liverpool oo qorshaheeda ku darsatay Julian Draxler

(Liverpool) 18 Abriil 2018 Liverpool ayaa ku soo biirtay kooxaha doonaya saxiixa laacibka PSG ee Julian Draxler suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Julian Draxler ayaan boos joogto ah ka haysan PSG tan iyo markii uu ku biiray, laacibka ayaana doonaya haatan inuu raadsado koox kale oo uu boos joogto ah ka heli karo.

Image result for Julian Draxler Liverpool

Liverpool ayaa diyaar u ah inay wadahadal rasmi ah la furto kooxda PSG si ay ugu qanciso iibka Julian Draxler sida ay baahisay L’Equipe.

Tababare Jurgen Klopp ayaa u arka Julian Draxler badalka ku haboon ee Philippe Coutinho kaas oo bishii Janaayo ku biiray Barcelona.

Liverpool ayaa la kulmaysa loolan ku aadan saxiixa Julian Draxler oo uga imaanaya kooxaha Arsenal iyo Man United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close