EEG XARFAANTA FASALKA WADA FADHISA: Alonso, Raul, Baptista iyo kuwa kale…(Maxay baranayaan???)

(Spain) 18 Abriil 2018. 16-ciyaartooy oo soo maray kubbada cagta isla markaana magac ka sameeyay ayaa isniintii bilaabay Koorso gaar ah.

Halyeeygii Real Madrid Raul, Laacibkii hore ee Liverpool, Real Madrid iyo Bayern Munich Xabi Alonso, mashiinkii qadka dhexe ee Barcelona Xavi, Weeraryahankii Arsenal iyo Real Madrid Julio Baptista, Goolhayihii Barca iyo Man United Victor Valdes, Xiddigihii hore ee Liverpool Luis Garcia iyo Albert Riera ayaa qeyb ka ahaa laacibiintii hore ee ka faa’iideysanayay fursadan ay ku noqonayaan Tababarayaal Cusub.

Koorsada lagu qabtay xerada tababarka ee xulka qaranka Spain ee ku taala bannaanka Madrid ayay xiddigii hore ee kubbada cagta ku baranayaan mowduucyo ay ka mid yihiin, sida loo maamulo kooxaha, Nafaqeynta, Cilmi Nafsiga, Caafimaad, sida loo dhiso koox iyo waxyaabo kale.

Marka ay Koorsada dhameeyaan, Raul, Alanso iyo xarfaanta kale ayaa heli doona Ruqsooyinka UEFA A iyo B.

Waxaa loo ogolaan doonaa inay qaban karaan xilka tababaranimo ee kooxaha dhalin yarada. Sanad kaddib waxay heli karaan Ruqsada UEFA Pro si ay u maamulaan kooxaha heerka Sare.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close