Bayern Munich oo khiyaanadii ugu waynayd la damacsan Real Madrid (Ogoow qorshaha ay dajisay)

(Munich) 18 Abriil 2018 Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa khiyaanadii ugu waynayd la damacsan Real Madrid marka uu dhamaado xiliciyaareed kaan.

Shabakada Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Bayern Munich ay doonayso inay si rasmi ah ula wada wareegto James Rodriguez dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Image result for ivan rakitic

Kooxda ayaana kadib ka iibinaysa Barcelona si ay uga qaadato Ivan Rakitic oo uu si wyan u jecel yahay tababaraha cusub ee Bayern Munich kaas oo ay isku dalyihiin.

James ayaa amaah labo xiliciyaareed ah ugu wareegay kooxda Bayern Munich oo uu ku jiro qodob dhigaya inay la wada wareegi karto, sida muuqata kooxda reer Jarmal ayaa haatan diyaar u ah inay wada iibsato kabtanka xulka Colombia.

Dhanka kale, Ivan Rakitic ayaa go’aan saday inuu ka tago Barcelona dhamaadka xiliciyaareed kaan, Bayern Munich iyo Man United ayaana isku haysta saxiixiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close