Barcelona oo go’aan kama danbays ah ka qaadatay mustaqbalka Andre Gomes

(Barcelona) 18 Abriil 2018 Maamulka Barcelona ayaa go’aan kama danbays ah ka qaatay mustaqbalka laacibka reer Portugal ee Andre Gomes.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in isbuucyo ka hor maamulka Bacelona uu go’aansaday in la fasaxo Andre Gomes dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Kooxda ayaa si rasmi ah laacibka ugu sheegtay in waqtigiisii Camp Nou uu soo idlaaday, labada dhinac ayaana kawada shaqaynaya sidii uu kooxda u macsalaamayn lahaa wixii ka danbeeya koobka adduunka.

Andre Gomes qudhiisa ayaa dareensan in la joogo waqtigii uu ka tagi lahaa Barcelona maadaama uusan wax hormar ah ku samayn intii uu joogay.

Laacibka ayaa horay u qirtay inuu ku fashilmay la qabsiga Barcelona oo kooxdu ay noqon waysay sidii uu filayay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close