“Anaga oo kaliya ayaa Champions League ku garaaci karna Real Madrid” – Rummenigge

(Munich) 18 Abriil 2018 Gudoomiyaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa ka hadlay kulanka ay la ciyaarayaan Real Madrid.

Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa isku soo aaday Semi Final-ka Champions League, Bayern ayaana marti qaadi doonta kooxda tababare Zidane arbacada dambe.

Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay in Bayern Munich ay tahay kooxda kaliya ee awooda inay garaacdo Real Madrid marka la joogo Champions League.

Image result for bayern vs real madrid 2018

“Bayern Munich oo kaliya ayaa awooda in Real Madrid ay ku garaacdo Champions League, waa inaan muujinaa fojignaan dheeri ah” ayuu yiri Karl-Heinz Rummenigge.

“Waxaan u ciyaaraynaa ku guulaysiga Champions League si lamid ah Real Madrid, waan awoodnaa inaan ka adkaano waayo waxaan nahay Bayern Munich” ayuu sii raaciyay.

Waxaa xusid mudan in Bayern Munich ay meel saaratay Bundesliga oo ay hanatay, waxayna haatan xooga saaraysaa ku guulaysiga koobka horyaalada yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close