Xulkeena Soomaaliya oo hal lug la galay wareega afar dhamaadka tartanka 17 jirada ee CECAFA

(Bujumbura) 17 Abriil 2018. Xulka qaranka dalkeena Soomaaliya gaar ahaan ciyaartooyda da’doodu ka hoosayso 17-ka sanno ayaa hal dhibic ka helay Burundi oo ah marti galiyaasha tartanka Cecefa under-17 kaddib markii ay wada galeen bar baro 0-0.

Kullanka ayaa ka dhicay garoonka Ngozi ee ku yaala magaalada Bujumbura oo ah caasimadda Brundi.

Xulkeena ayee leh afar dhibcood, waxaana hal lug ay lasii galeen Sami Finalka Tartanka.

Dhanka kale kullankii u dhaxeeyay Itoobiya iyo Kenya ayaa kusoo dhambaday bar baro 0-0.

Burundi ayaa lagu leeyahay afar gool oo deen ah, halka Itoobiya iyagana lagu leeyahay saddex gool.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa wada leh min afar dhibcood halka xulalka ku guruubka ah ay leeyihiin min hal dhibac.

Wax ka badan 7 gool ayee kusoo bixi karaan labada Xul ee kala ah Brundi iyo Itoobiya, natiijada nuucaas ah ayaa ku xiran in midkood oo Kenya iyo Soomaaliya loogu badiyo ugu yaraan afar gool.

Kullamada soo aadan ayaa waxaa is arki doono Burundi iyo Itoobiya, halka Soomaaliya iyo Kenya ay wada ciyaari doonaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close