Real Madrid oo ku kalsoon dhamaystirka saxiixa Mohamed Salah

(Madrid) 17 Abriil 2018 Real Madrid ayaa wado walba u maraysa sidii ay u dhamystiri lahayd saxiixa weerar yahanka Liverpool ee Mohamed Salah.

Madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa kalsooni buuxda ku qaba inuu Bernabeu keeni karo suuqa xaggaagan wiilka reer Masar sida ay baahisay Don Balon.

Real Madrid ayaa diyaar la ah lacag dhan 120 milyan oo Ginni si ay ugu qanciso Liverpool iibka Mohamed Salah kaas oo qudhiisu ku cadaadinaya kooxdiisa inay aqbasho dalabka ka imaanaya kooxda boqortooyada Spain.

Mohamed Salah ayaa xiliciyaareed cajiib ah ku qaadanay Liverpool tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay kooxda Roma suuqii xaggaaga.

Real Madrid ayaa loolan ku aadan saxiixa Mohamed Salah kala kulmaysa kooxaha Barcelona iyo PSG.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close