PSG oo xiddig muhiim ah ka doonaysa Real Madrid

(Paris) 17 Abriil 2018 PSG ayaa badalka Thiago Motta ka raadinaysa kooxda Real Madrid, waxayna diirada saaratay laacib aad muhiim ugu ah kooxda tababare Zidane.

Wargayska AS ayaa daabacay in PSG ay doonayso saxiixa laacibka qadka dhexe ee Casemiro kaas oo ku jira ciyaartoyda laf dhabarta u ah Real Madrid.

Image result for Casemiro PSG

26 jirkaan reer Brazil ayaa ku la jira kooxdiisa Real Madrid heshiis lagu burburin karo lacag dhan 200 milyan oo euro, qiimahaas ayaana ah qiimo ay bixin karto PSG.

Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in PSG ay diyaar u tahay heshiiska Neymar uu ugu wareegayo Real Madrid inuu qayb ka noqdo Casemiro.

Xiddigaan ayaa kula jira kooxdiisa heshiis gaaraya ilaa 2021, balse qaab ciyaareedkiisa fiican ee haatan ayaa keenay in kooxdu ay ku fikirto inay ka saxiixdo heshiis cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close