Philippe Coutinho oo Xagaagan dib ugu soo laabanaya Liverpool

(Europe) 17 Abriil 2018. Lix Bilood uun kaddib Philippe Coutinho ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto gegada Anfield ee kooxdiisii hore Liverpool.

Kubbad qaabeeyaha Barcelona ayaa la hubaa inuu ka mid noqon doono shaxda xulka Brazil ee koobka adduunka haddii uusan dhaawac qabsan.

Laakiin wuxuu sidoo kale heli doonaa fursad uu dib ugu soo laabto garoonkii uu sida wayn ugu caan baxay ee Anfield kaddib markii uu xulkiisa shaaciyay kulankoodii ugu dambeeyay ee saaxiibtinimo ay isugu diyaarinayaan koobka adduunka ee June lagu qaban doono Ruushka.

 Brazil coach Tite is expected to name Coutinho in his World Cup squad

Xiriirka kubbada cagta ee dalka Brazil ayaa xaqiijiyay inay kulan saaxiibtinimo garoonka Liverpool kula yeelan doonaan xulka Croatia.

Coutinho oo shan sano ku soo qaatay Anfield isla markaana aad looga jeclaa ayaa heli doono fursad uu ku macsalaameeyo taageerayaashiisii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close