Miralem Pjanic oo shaki laga muujinayo inuu ciyaari karo kulanka Napoli

(Torino) 17 Abriil 2018 Tababare Allegri ayaa wajahaya dhibaato culus ka hor kulanka axada kooxdiisu ay marti qaadi doonto Napoli.

Miralem Pjanic ayaa seegay tababarkii shalay ee Juventus kadib dhaawac ka soo gaaray kulankii Sampdoria sida ay baahisay La Gazzetta dello Sport.

Waxaa la xaqiijiyay in Miralem Pjanic uu si rasmi ah u seegayo kulanka Juventus ay u safrayso habeen dambe kooxda Crotone.

Laakiin shaki wayn ayaa ku jira in laacibku uu taam u noqon karo kulanka adag ee ay kooxdiisu marti qaadi doonto Napoli axada soo socota.

Tababare Allegri ayaa ku dadaalaya sidii laacibkiisu uu taam ugu noqon lahaa kulanka kooxdiisu ay u martin doonto Inter Milan 28-ka bishaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close