Marcos Alonso oo halis ugu jira in la ganaaxo kadib qaladkii uu ku galay Shane Long

(London) 17 Abriil 2018 Daafaca kooxda Chelsea ee Marcos Alonso ayaa halis ugu jira inuu la kulmo ganaax dhanka FA-ga ingiriiska ah.

Kulankii Chelsea ay 3-2 uga adkaatay Southampton ayaa la arkayay Marcos Alonso oo si xun u jilaafay Shane Long, mana jirin ciqaab uu kala kulmay dhanka garsooraha.

Garsooraha ayaa warbixinta ciyaarta ku cadeeyay inuusan si buuxda u arkin dhacdadaas sidaas darteedna ay ku adkaatay inuu ka qaato go’aan.

Xiriirka kubadda cagta ingiriiska ee FA ayaa haata dacwad ku furay Marcos Alonso, waxaana loo qabtay ilaa barri oo arbaco ah si uu jawaab uga bixiyo falkii uu sameeyay.

Marcos Alonso ayaa ganaax la kulmi kara kaas oo uu ku seegi karo kulanka Chelsea ay u martin doonto khamiista kooxda Burnley.

Isku soo wada duub xitaa haddii uu la kulmo ganaax laacibka ma seegi doono Semi Final-ka FA Cup-ka oo Chelsea ay la ciyaari doonto Southampton, laakiin waa haddii ganaaxiisu uu noqdo kaliya hal kulan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close