Ivan Rakitic oo ku fikiraya inuu u dhaqaaqo Premier League (Kooxdee?)

(Barcelona) 17 Abriil 2018 Laacibka qadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa ku fikiraya inuu u dhaqaaqo horyaalka ingiriiska sida ay baahisay Mirror.

30 jirka reer Croatia ayaa ku fikiraya inuu u dhaqaaqo kooxda Manchester United suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Ivan Rakitic ayaa ka wal walsan booskiisa Barcelona, wuxuuna rumaysan yahay in haddii kooxdu ay soo qaadato laacib wayn oo qadka dhexe ah in booskiisu uu qal qal badan galayo.

Sidaas darteed ayuu laacibku soo dhaweynayaa inuu u dhaqaaqo Old Trafford maadaama Manchester United ay diyaar u la tahay mushaar badan oo uusan ka helayn Barcelona.

Waxaa xusid mudan in Ivan Rakitic uu kula jiro Barcelona heshiis gaaraya ilaa 2021.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close