Benzema oo u jawaabay dadka isaga eedeeya marwalba iyo taageerayaasha ku oriya

(Madrid) 17 Abriil 2018 Weerar yahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ugu danbayntii ka hadlay eedeynta uu kala kulmayo saxaafada iyo taageerayaasha qaarkood.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa dhaqan ka dhigtay inay ku oriyaan Benzema marwalba oo uu qasaariyo fursad uu dhalin karo.

Laacibka ayaa sheegay inuusan waxba u arkayn eedeynta uga imaanaysa dadka kale maadaama uu yahay xiddig wayn sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u ciyaaraa kubadda cagta si aan u caawiyo asxaabtayda kale ee kooxda iyo sidii aan wax walba ugu guulaysan lahaa, laakiin ma ahan wax igu haboon inaan la kulmo dhaleeceyn marka aan sifiican u ciyaaro balse aanan gool dhalin” ayuu yiri Benzema.

“Kuwa u imaanaya inay oriyaan way samayn karaan wixii ay doonaan, ma badali karo ra’yigooda, ciyaartoyda waa wayn waa iska dabiici inay marwalba la kulmaan dhaleeceyn”.

“Halkaan joornaalka ayaa aad ugu gadma marka aan soo bandhigo ciyaar xun, uma baahni inaan iibsato joornaalkooda si aan u ogaado wixii aan qabtay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close