Aguero oo sheegay sababtii uu u seegay kulankii Tottenham

(Manchester) 17 Abriil 2018 Sergio Aguero ayaa si lama filaan ah uga maqnaa kooxdiisa kulankii sabtigii ay guusha ka gaartay kooxda Tottenham.

Laacibka ayaa xaqiijiyay inuu maray qaliin fudud si uu uga soo kabto dhaawicii ka soo gaaray dhanka jilibka oo inbadan ku soo laabtay.

“Waxaan ka soo kabanayaa qaliin fudud oo la iiga sameeyay jilibka, si buuxda ayaan ugu dhiiro qabaa inaan ku soo laabto garoomada sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu soo qoray Sergio Aguero.

Ilaa haatan lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee Sergio Aguero uu ka maqnaanayo garoomada, mana jirto xaqiijin ka timid kooxdiisa Manchester City.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close