Kooxda Monaco oo Suuqa Dhigeysa Bartilmaameedkii Kooxaha Arsenal iyo Liverpool

(France) 16 April 2018. Madaxweyne ku xigeenka kooxda Monaco Vadim Vasilyev ayaa qiray in kooxdiisa ay ku fikireyso in ay suuqa dhigaan bartilmaameedkii Arsenal iyo Liverpool Thomas Lemar marka ay furmato daaqada kala wareega.

22  jirkaan ayaa ah ciyaarihayan aad  wanaagsan  waxaana la sheegayaa in Monaco ay ku rabto lacag dhan £104million, Arsenal iyo Liverpool ayaa ku jira kooxaha doonaya sida ay warineyso majalada Telefoot.

Lemar, oo ka ciyaari kara garabka iyo weerarka dhexe wuxuu ahaa mid si weyn loola xariirinayay Arsenal xagaagii lasoo dhaafay laakiin heshiiska ayey waqti dambe diiday kooxda Monaco.

Isagoo la waramayay wariyaasha madaxweyne ku xigeenka kooxda Monaco ee Vasilyev ayaa u sheegay  Telefoot: ‘nasiib wanaagsan kuwa isaga doonaya.’

Lemar has scored three goals for France across his ten appearances for his country so far

Lemar ayaa bandhigin wanaagsan ka sameen xagaagn kooxdiisa – wuxuuna kaliya dhaliyay laba gool horyaalka Ligue 1 – laakiin wuxuu caawiyay sideed gool.

Wuxuu Lemar qeyb muhiin ah ka yahay kooxda xulka France ee koobka aduunka loo magacaabi doono isagoona dhaliyay gool kulankii saaxibtinimo ay guuldarada kala kulmeen qaranka Colombia bishii lasoo dhaafay.

Lemar, wuxuu leeyahay farsamo cajiib ah , waxaana loo arkay badalka saxdaa ee Liverpool u buuxin kara booskii uu baneeyay Philippe Coutinho oo u dhaqaaqay Barcelona bishii January.

Arsenal mar kale ayaa laga yabaa iney saxiixa Lemar daneyaan laakiin waa hadii kooxda Arsene Wenger ee usoo baxdaa xagaaga dambe koobka Champios League.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close