Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Cali Shiine oo ka hadlay dhibcihii lagu wareejiyay Soomaaliya

(Bujumbura) 16 Abriil 2018. Shir Jaraa’id uu xafiiskiisa ku qabtay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa ka hadlay dhibcihii lagu wareejiyay qarankeena.

Kullanka ayaa kusoo dhammaaday 3-1 oo loogu badiyay Soomaaliya, ha yeeshee xiriirka ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah Itoobiya.

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta ayaa hoosta ka xariiqay in baaritaan saacado qaatay kaddib ay soo cadaatay in xiddigo waawayn ay u ciyaareen Itoobiya, taasoo ugu dambayn keentay in dhibcaha laga qaado.

Sidoo kale Cali Shiine ayaa sheegay in  Soomaaliya lagu amaanay ciyaartooyda ay la yimaadeen tartanka, mahadaama qaarkooda da’doodu ay tahay 15 sanno.

Ugu dambayn Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xiriirka ayaa rajo wayn ka muujiyay in Soomaaliya ay ka soo baxdo guruubka mahaadaama ay leedahay saddex dhibcood, juhdi badane la galiyay xulka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close