Barcelona oo Eegaysa Laacibka kamid ah kooxda  Sevilla  kadib Bandhigisii Champions League

(Spain) 16 April 2018). Kooxda hogaamineysa horyaalka La liga ee Barcelona ayaa u dhaqaaqeysa laacibka difaaca kaga dheela naadiga Sevilla ee Clement Lenglet, sida laga xiganayo gobolka Catalonia.

22,jirkaan France u dhashay ayaa ciyaar la yaab leh muujiyay kulankii ay Champions League ka reeben kooxda Manchester United ciyaartii ka dhacday garoonaka  Old Trafford wuxuuna xakameeyay dhaq dhaqaaqa Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez.

Sido kale waa ciyaartoyda ugu bandhiga sareysa horyaalka La liga kal ciyaareedkan,isagoo kamid ah tiirarka ay ku taagan tahay naadiga Sevilla .

 Barcelona have been keeping an eye on Sevilla defender Clement Lenglet

Iminka sida ay ku warameyso majalada Sport kooxda  Barcelona ayaa diyaar u ah iney lasoo wareegan laacibkan dhamaadka xili ciyaareedka, balse waxaa lagu wareersan yahay qiimaha lagu burburin karo heshiika kooxdiisa uu kula jiro.

Ilo wareedyo qaar ayaa sheegaya £25million oo gini , halka kuwo kalana ay rumeysan yihiin qiimo intaas ka sareeya oo ku dhaw £40m.

Barcelona waa koox hormarisa hamigeeda, waana mid ku xoogan lasoo wareegida ciyaartooyda Frenca kasoo jeeda, waxeyna sanadihii lasoo dhaafay la wareegtay Jeremy Mathieu iyo  Samuel Umtiti.

Gool FM.                   

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close