Arturo Vidal oo Seegaya Kulanka Real Madrid Kadib Dhaawac Kosoo Gaaray Xarunta Tababarka.

(Germany) 16 April 2018. Waa arin dharbaaxo weyn ku ah kooxda Bayern Munich taa oo laga yaabo iney heli waayaan laacibkooda qadka dhexe ee Arturo Vidal

Kooxda ku guuleysatay horyaalka Germanay markii lixaad oo xiriir ah ayaa la ciyaari doonta afar dhamaadka koobka Champions League naadiga Real Madrid, balse arintan waxey cabsi galisay taageerayaasha kooxda.

Xiddiga dalka Chile ayaa dhaawac kasoo laabtay ,laakiin jooga ayuu ka dhacay tababarkii shalay.

Waa kuwo walwal cabsi qaba taageerayaasha Bayern kadib markii uu xaqiijiyay macalinkooda Jupp Heynckes in Vidal uu u baahan yahay qaliin yar.

 Jupp Heynckes has confirmed Arturo Vidal will require knee surgery

Isagoo hadlayay ka hor ciyaarta afar dhamaad koobka German Cup  oo ay la ciyaari doonaan kooxda Bayer Leverkusen,wuxuu yiri: “Arturo wuxuu ahaa mid dhulka ku dhacay iyadoo aysan cidna taaban.

“Qeyb jilcan oo jilibkaa yey waxa gaareen. Waxuuna u baahan yahay wax ka qabasho uu ku  maqnaan doonaa in xaliyo dhibaatadiisa.

“waa dagaal yahan isagu waana ku kalsoonahay soo laa bashadiisa.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jupp Heynckes.

Warkaan wuxuu dhaawacaya kooxda Bayer , taas oo wali qeyb ka ah hardanka sedax koob xili ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close