Antonio Rudiger oo Afka Furtay Kadib Markii Laga Tagay Kulankii ay Chelsea…..?

(England) 16 April 2018. Difaaca kooxda Chelsea Antonio Rudiger ayaa tilmaamay inuu taam ahaa ciyaartii kooxda Southampton balse uusan ogeen sababta uu kaga tagay Macalin Antonio Conte.

Wiilka reer Germany  wuxuu u muuqadaa mid wajahaya carada Conte kadib 25 jiraakan oo ciyaar liidataa soo bandhigay kulankii bar baraha ee kooxda West ham.

Rudiger ayaa yiri: “waxaan qabaa inaan dhameyn karnay qebyta labaad laakiin sidaas ma sameynin bilihii dambe waana aqbalnay.

“ani ahaan , ma sahlana inaan sharxo. Mana fahmin sababta aan mar walbaa hogaanka u lumineyno oo kooxda naga soo hojeedaa ay ku heleyso kubado badan.”

Kadib hadaladiisa , waxaa laga yabaa in looga reebay safkii loo magacaabay kulankii ay 3-2 guusha kaga gaareen Southampton, xitaa kama uusan mid noqon safarka.

Difaaca dhexe ayaa xaqiijiyay mar la weydiiyay sababtii aan kulanka loogu soo darin in uusan waxba ka ogeen taam buuxana uu ahaa xili Rudiger uu ka qeyb qaadanayay baraamijka German TV ee “Das aktuelle Sportstudio” shalaytoole

Waa go’aan u muuqday mid qaldan waxaana Rudiger lagu badalay booskiisa Gary Cahill xili ciyaarta 2-0 hogaan looga haayay Chelsea ka hor labo gool oo ka timid Olivier Giroud iyo  Eden Hazard oo ay guusha ku qaaday Blues.

Ciyaarta kadib  macalinka talyaanigaa ayaa ka hadlay sababtii uu kaga tagay Rudiger wuxuuna saxaafada u sheegay: ” ma jiro dhaawac uu qabay, waxeey aheyd go’aan farsamo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close