Wiilka Cristiano Ronaldo oo Noqday Dhaliyaha ugu Goolasha Badan Kooxda Iskuulkiisa iyo abaarmarin la Siiyay

(Portugal) 15 April 2018. Wiilka Cristiano Ronaldo ayaa kal horaba muujiyay xifadiisa kubada cagta isagoo eegaya inuu gaaro heerka uu iminka ka taagan yahay ciyaaraha aabihii Roanaldo.

Cristiano Jnr ayaa wuxuu soo bandhigay abaalmarino si qaas ah loo gudoosiiyay sabtidii.

Wiilkan todoba sano jirka ah ayaa xagaagn ku dhameestay gool dhaliayah ugu sareeya kooxdiisa Iskuulka

Wiilka Ronaldo ee Cristiano Jnr  ayaa ciyaaray maalintii sabtida aheyd waxaana lagu abaalmariyay koob yar iyo bilad xili ay goobjoog aheyd ayeeyadiisa, Dolores Aveiro.

Tani waa mid ay ku faaneyso ayeeyadii oo la wadaagtay sawirada abaarmarinta wiilkeeda Barta bulshada ee Instagram.

Dhaw saacadood kadib, xiddiga  Real Madrid ayaa isna sawir wadajir ah oo isaga iyo wiilkiisa la wadaagay taagerayaashiisa isagoo ugu hambalyeynaya wiilkiisa abaalmarintii ugu horeysay ee kubadad cagta.

Cristiano wuxuu ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya ee dugsiga! Hambalyo, wiil , Akhri farriinta soo socota

Ronaldo ayaa heysta rikoorko badan oo dhanka goolasha ah waa gooladhiyaha ugu sareeya shanta horyaal ee qaarada yurub wuxuuna dhaliyay 391 gool, UEFA Champions League 120 gool, UEFA European Championship 29 gool iyo koobka kooxaha aduunka todoba gool ah sido kale waa dhaliyaha hal xili ciyaareed  Champions League ka dhaliyay 17.

Wuxuu guud ahaan Cristiano dhaliyay waxa ka badan 600 oo gool xirfadiisa ciyaareed koox iyo dalkiisaba.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close