NATIIJO: West Bromwich Albion oo u Suura Galisay Kooxda City Hanashada Horyaalka Kadib Guuhsii Old Trafford

( Premier League ) 15 April 2018. Kooxda Manchester united ayaa guuldaro kala kulantay dhigooda west Brom waxeeyna taas suura gal ka dhigtay in Manchester City ay nqoqoto Horyaalka Premier League Sanad ciyaareedka 2017/18.

City ayaa kaliya u baaneed in laga adkaado united ama ay iyagu helaan sedex dhibcood kulankooda soo aadan,balse taa  waxa ka qancisay kooxda ugu hooseysa horyaalka oo guul ka gaartay Red divels.

Ciyaarta ayey cid walbaa is laheyd waa mid united ay si fudud kaga adkaan karaan dhigooda wets Brom laakin ma aysan dhicin sheekadaas.

Ciyaarta ayaa qeybteeda hore lagu kala nastay 0-0 waloo Man united ay dhawr jeer sigtay goolka west Brom.

Balse markii dib loogu soo laabtay kaambiyaha dambe kooxda west Brom ayaa la timid goolka ay guusha ku gaareen waxaana madax ku dhaliyay daqiiqadii 73-aad laacibka Jay Rodriguez  kubad  ka timid dhanka gees ka laadka.

United ayaa fursada ugu fiicneed ciyaarta heshay markii uu madax goolka ku tuuray Romelu Lukaku , laakiin waxaa si cajiib ah u badbaadiyay goolhaye Ben Foster.

Kooxda City waxeey hadda ka sareeyaan united 16 dhibcood waana mid ay taas ku noqonayaan ku guuleystayaasha horyaalka xagaagan.

Macalin Pep Guardiola ayaa horay u sheegay inuu ciyaari doono ciyaarta  golf –ga intii uu daawan dhalaa kulanka Manchester united.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close