Qarankeena oo galabta la ciyaari doona Itoobiya…(Imisa Saac, halkeesa laga Daawan karaa???)

(Bujumbura) 15 Abriil 2018. Xulka qaranka dalkeena Soomaaliya gaar ahaan ciyaartooyda da’doodu ka hoosayso 17-ka sanno ayaa kullan xiiso badan galabta wajihi doona dhigooda Itoobiya.

Sida jadwalka ku cad kullanka ayaa ka dhici doona garoonka Ngozi ee ku yaala magaalada Bujumbura oo ah caasimadda Brundi.

Inkastoo hal saac uu dalkeena ka horeeyo Brundi hadane kullanka ayaa waqtigiisa la sheegay in uu dhici doono 3:30 daqiiqo waqtiga geeska Afrika.

Daafaca birta ah kooxda Heegan Cali Xabad ayaa hoggaamin doona xulka isagoo ah kabtanka Qaranka, waxaana sidoo kale xulka matalaya xiddiga Welech oo Dekedda u ciyaara, Farxaan Duqoow oo ka tirsan Gaadiidka iyo xiddigo kale oo qaarkood ka ciyaara heerka labaad.

Kullanka ayaa laga daawan doonaa Azam Tv, oo laga leeyahay dalka Tanzania.

Tababarihii hore kooxda Jeenyo Macallin Salaad ayaa hoggaaminaya xulka, waxaana caawiyihiisa ah Daa’uudeey oo horay usoo layliyay Gasko.

Xulka ayaa kullanka labaad la ciyaari doono Brundi, halka kullanka saddexaad uu wajahayoKenya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close