Nolosha xaaska garsoorihii rigoorada u dhigay Real Madrid oo halis ku jirta

(London) 15 Abriil 2018 Xaaska garsoorihii rigoorada u dhigay Real Madrid ayaa wajahaysa halis badan kadib markii ay la kulantay fariimo badan oo loogu hanjabay in la dili doono.

Michael Oliver ayaa rigoore muran badan uu ka dhashay u dhigay Real Madrid arbacadii hore kulan ay la ciyaarayeen Juventus.

WIFE

BBC ayaa daaha ka qaaday in baraha bulshada lagu faafiyay lambarka xaaska garsoore Michael Oliver, waxaana kadib loo diray fariimo badan oo loogu hanjabayo in la dili doono.

Booliiska ayaa haatan baaris xoogan ku wada dadkii soo diray fariimaha hanjabaada ah, sidoo kale waxaa la baarayaa dadkii baraha bulshada ku faafiyay lambarka haweeneydaan.

Image result for Lucy oliver

Wararka ayaa intaa ku daraya inay jiraan dad aan la garan oo dhawr jeer soo gar garaacay albaabka guriga Lucy oo ah xaaska garsoore Michael Oliver, waxaana loo sheegay in iyada iyo ninkeedaba la dili doono.

Lucy ayaa iyaduna ah garsoore dhex dhexaadisa kulamada kubadda cagta ee dumarka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close