Muxuu ku soo dhammaaday kulankii Galabta u dhexeeyay Xulkeena Soomaaliya iyo Itoobiya????

(Bujumbura) 15 Abriil 2018. Waxaa iminka soo idlaatay ciyaartii u dhexeysay xulkeena Soomaaliya iyo xulka Itoobiya kulan ka tirsanaa Cecefa under-17.

Soomaaliya ayaa looga adkaaday 3-1.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-1.

Goolka ay Itoobiya la hormartay ayaa waxaa ka soo bar bareeyay Ayuub Cabdulaahi.

Balse dalka Dariska ayaa la yimid labo gool oo kale. inkastuu xulka Soomaaliya soo bandhigay kubbad loo riyaaqay.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa labada kulan ee soo socota la kala ciyaari doona Brundi iyo Kenya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close