Mid ka mid ah Kulamadii Shalay la ciyaaray Premier League oo ay ka soo muuqatay DHACDO JACEYL oo wayn!!!!

(England) 15 Abriil 2018. Mid ka mid ah kulamadii Premier League ee shalay la ciyaaray ayaa waxaa ka soo muuqday Dhacdo Jaceyl oo wayn.

Markii la maray qeybta hore ciyaartii u dhexeysay iyo Brighton, Gemma Keen oo ah gabadha hogaamiyaha u ah gabdhaha dhiiro galiya kooxda oo qoob ka ciyaarka u sameeya ayaa la kulantay lama filaan wayn.

Ian Talbo oo muddo la haasaawayay Keen ayaa 24,656 taageerayaal hortooda inta Jilibka dhulka Dhigtay guur u bandhigtay saaxiibtiisa iyadoo garoonka dhan looga sacbo tumay.

Keen oo taageeraha wayn u ah Crystal Palace isla markaana hogaamisa kooxda gabdhaha dhiiro galiya naadiga ayaa HAA ugu jawaabtay saaxiibkeeda markii uu guurka u soo bandhigay iyadoona loo galiyay faraantiga alkumashada.

Naadiga lagu naaneyso Eagles ayaa iyana Farxada la wadaagtay lamaanayaasha taageeraha u ah oo waxay 3-2 uga adkaatay Brighton.

SAWIRRO:

 Crystals star Gemma Keen got engaged to partner Ian Talbot at half-time

 The pair got engaged at half-time of Crystal Palace's 3-2 win over Brighton

 Gemma Keen had just finished her half-time performance with the Crystals

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close