HORDHAC: Magala vs Real Madrid

( La liga) 15 April 2018. Real Madrid ayaa u safri doonta kooxda Malaga kulan kamid ah ciyaaraha 32-aad ee horyaalka La liga xili Los Blancos aysan rajo ka haleen difaacashada hoyaalka xagaagan Maadaama ay 15 dhic ka dambeyaan hogaamiyasha Barca oo guuleysteen Kulankii Valencia.

Los Blancos waxeey lumisay dhibco kulanka todobaadkii hore ay bar baraha 1-1 lagashay kooxda Athletico dheesha darbiga ah ee Madrid derby, laakiin guul ay ka gaaran Malaga ayey Real ku tiigsan kartaa kaalinta sedexaad kadib guuldaradii  soo gaartay Valencia.

Ogeysiiska ciyaarta

Tartanka: La liga

Saacada: 09:45 daqiiqo xiliga geeska Africa

Garsooraha: Ricardo De Burgos

Garoonka : Estadio La Rosaleda

Wararka kooxaha

Nacho ayaa dhaawacmay markii ugu horeysay xirfadiisa ciyaareed kadib dhibaato muruqa ah oo kasoo gaaray kulankii guusha ay ka gaareen naadiga  Las Palmas, laakiin Real ayaa dhanka kale heysata saf buuxa oo taam u ah kulankan.

Kantanka kooxda  Sergio Ramos oo ahaa ganaax kulankii lugta labaad ee koobka Champions league oo ay la ciyaareen Juventus arabacadii ayaa ku soo laabanaya safka kooxda,

Balse ma jiro laacib ganaax kaga maqnaanaya Real ciyaarta todobaakan ee horyaalka La liga.

Kooxda Malaga ayaa heysata 17  dhibcood  31 kulan oo ay ciyaartay xagaagan horyaalka La liga  xili todobo kulan ay ka harsan tahay xili ciyaareedka.

Naadiga  Andalusian ayaa eegeysa iney sameyso natiijo wax ku ool ah kadib afar dhic oo ay ka heshay labadii kulan ee lasoo dhaafay , ka hor inta aysan qasaaro  3-2  kala kulmin dhigooga Deportivo La Coruna kulankii u dambeyay  waxaana laga yaabi karaa iney heerka labaad xaqiijiyaan hadii ay guuldaro la kulmaan kulanka Marid ay la qaadan doonto.

Labad ciyaariyahan ee Juanpi iyo  Adalberto Penaranda ayey dib u heli karaan, laakiin  Diego Rolan iyo Ignasi Miquel waa kuwo uu shaki ku jiro kulankan .halka  Luis Hernandez uu ganaax ciyaarta ku seegi doono.

 Xaqiiqooyinka ciyaarta

  • Kooxda Malaga ayaa halmar kaliya ka badisay Real Madrid 33 kulan oo ay wada ciyaareen horyaalka La Liga, waana 3-2  ciyaar ku dhamaatay oo ka dhacday garoonka La Rosaleda bishii December 2012. Halka 32 kulan kale ay Los Blancos guul gaartay 24 kamid ah.
  • Kadib kulamadii 31-aad ee La Liga xagaagan, Real Madrid ayaa kamid aheyn sedexda  koox ee u sareysa horyaalka markii ugu horeysay qarniyaan  21-aad.
  • Cristiano Ronaldo ayaa ka dhaliyay 17 gool 17 kulan uu wajahay kooxda Malaga horyaalka La Liga iyagoo uu sideed gool ka dhaliyay sideedii ciyaar ee uu dambeysay uu ciyaaray garoonkooda La Rosaleda.
  • Karim Benzema ayaa dhaliyay shan gool xagaagan,kaliya hal gool ayuuna dheeray yahay gool dhaliyaasha ugu sareeya kooxda Malaga xili ciyaareedkan ee Diego Rolan iyo Gonzalo Castro oo min afar gool dhaliyay.
  • Zinedine Zidane marnaba ma uusan guuldareysan afar kulan uu la ciyaaray kooxda Malaga isagoo macalin ah, wuxuuna ka gaaray sedex guul iyo hal bar baro. Iyadoona Real Madrid uu garoonkan u yahay kii ay ku xaqiijisay hanashada horyaalka La Liga maalintii u dambeysay ee xili ciyaareedkii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close