Heegan oo beerka uga dhacday Betroolka

Muqdisho) 15 Abriil 2018. Heegan ayaa galabta guul wayn ka gaartay Betroolka oo baryahaanba wax guul ah arkin kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0.

Muudey ayaa hogaanka u dhiibay kooxda lagu naaneyso Booliska Qaranka.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta Waxaa labada gool ee kale Heegan u dhaliyay Julius iyo Cabdirisaaq.

Guusha ayaa Heegan uga dhigan inay ku jirto kaalinta 4-aad waxayna leedahay 23-dhibcood, halka ay Bertroolka ku fariin goosatay oo ay ka soo dhaqaaqi la’dahay kaalinta 8-aad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close