DEG DEG: Xulka Itoobiya oo laga qaaday saddex dhibcood iyo Soomaaliya oo lagu wareejiyay

(Bujumbura) 15 Abriil 2018.Xulka qaranka dalkeena Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay dhibcaha kullankii galabta ay la ciyaartay Itoobiya.

Kullanka ayaa kusoo dhammaaday 3-1 oo loogu badiyay Soomaaliya, ha yeeshee xulkeena ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah Itoobiya.

Saddex ciyaaryahan oo da’doodu ka wayn tahay 17 sanno ayaa lagu helay Itoobiya waxaana laga qaaday saddexda dhibcood.

Dalkeena Soomaaliya ayaa lagu amaanay ciyaartooyda ay la yimaadeen tartanka, mahadaama qaarkooda da’doodu ay tahay 15 sanno.

Sadexda cayaartoy ee Itoobiya ayaa barri loo celina doonaa dalkooda waxaana Itoobiya la ganaaxay shan kun oo doolar sidoo kale Zanzibar ayaa tartanka laga saaray mahadaama ay la yimaadeen ku dhawaad 20 ciyaartooy oo dadoodu ka wayn tahay 17 sanno, waxaana xulkaasi la ganaaxay lacag dhan 15 kun doolar

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa labada kulan ee soo socota la kala ciyaari doona Brundi iyo Kenya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close