DEG DEG: Dhibaato xoogan oo soo wajahday Bayern Munich ka hor kulankeeda Real Madrid…+SAWIRRO

(Germany) 15 Abriil 2018. Bayern Munich ayaa akhbaar xun helaysa ka hor kulankeeda Semi Final ka Champions League ay ku wajaheyso naadiga Real Madrid.

Kubbad bur buriyaheeda Arturo Vidal ayaa laga qaaday xerada tababarka oo waxaa garbaha ka galay Franck Ribery iyo tababaraha goolhayayaasha kooxda ee Toni Tapalovi, ka hor inta aan lagu soo qaadin baabuurka dhaawacyada.

Dhaawaca ayaa u muuqda inuu ka gaaray jilibka lugta midig.

Sheekadan ay warisay jariiradda Bild ee ka soo baxda Jarmalka ayaa imaaneysa xilli uu laacibka dhaawac jilibka ah ku seegay lugta labaad ee wareegii sideed dhammaadka.

Bayern Munich ayaa lugta hore ee Afar dhammaadka Champions League la ciyaari doonta Real Madrid 25-ka bishan Abriil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close