Zidane oo damacsan qorshe uusan la dhacsanayn Cristiano Ronaldo

(Madrid) 14 Abriil 2018 Tababaraha Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa damacsan qorshe uusan la dhacsanayn laacibkiisa Ronaldo ka hor kulanka Malaga.

Zidane ayaa damacsan inuu nasiyo Ronaldo kulanka habeen dambe kooxdiisu ay u safrayso Malaga, si laacibku uu ugu diyaar garoobo kulanka Bayern Munich.

Tilaabadaan la filayo inuu qaado tababare Zidane ayaa keeni karta in Ronaldo uu ka caroodo maadaama uu tartan dhanka gool dhalinta uu kala dhexeeyo Messi.

Ronaldo oo dib ka soo kacsaday ayaa haatan leh 23-gool tartanka La Liga, Messi ayaa dhankiisa dhaliyay 29-gool, sababtaas darteed ayaa ku qasbaysa Cristiano inuu ciyaaro kulamada horyaalka si uu ula tartamo Messi.

Balse qorshihiisa waxaa lid ku ah qorshaha tababare Zidane kaas oo xooga saaraya kulamada koobka horyaalada yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close