Tani ma tahay sababtii uu Conte uga soo tagay Antonio Rudiger kulankii Southampton?

(London) 14 Abriil 2018. Antonio Conte waxa uu ka soo tagay Antonio Rudiger kulankii sabtida ee ay 3-2 uga badiyeen Southampton.

Laacibka laguma soo darin 18ka cayaaryahan  ee uu u soo xushay kulankii Saint Mary’s.

Waxaa laga yabaa in ay go’aanka Conte saameysay kaartadiisa iyo hadallo uu ka yiri Rudiger  dhawaan.

Cayaartii ay 1-1 ku kala bexeen West Ham ayaa weerar dadban ku qaaday Rudiger  tababarihiisa.

“Waxaan qabaa in aan goolkaas dalbanay. Waan dalbanay goolkaas,” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Waxaan qabaa qeybtii dambe in aan cayaarta dili karnay.

“Laakiin sidii dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ma aynaan sameyn goolkana waa nalaga dhaliyey.

“Aniga iima fududa in aan sharraxo.

“Ma fahmayo sababta marka aan 1-0 joogno ayaan gadaal ugu soo dagno oo aan ugu ogolaanno kooxda aga soo horjeedda haysashada kubadda.

“Sida toddobaadkii hore, waxaan siinay hadiyad.”

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close