Sergio Ramos oo ogaaday war aan u wanaagsaneyn Real Madrid haddii ay ku guuleysato Champions League

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos waxaa lagu soo warramayaa in uu ogaaday war aan u wanaagsaneyn kooxda haddii ay ku guuleysato Champions League.

Real Madrid waxa ay gaartay afar dhammaadka Champions League kaddib markii uu gool ku laad muran dhaliyey u saxiixay Cristiano Ronaldo abartamihii toddobaadkan kaddib kulan ay guuldarro 3-1 ah kala kulmeen Juventus.

Los Blancos waxa ay haatan afar dhammaadka geesaha dari doontaa Bayern Munich iyo iyada oo rejeyneysa in ay kama dambeysta Kiev kula dheesho midkood Liverpool ama Roma.

Laakiin saddec Champions League oo xiriir ah waxa ay mushaakil qarsoon u noqon doontaa qayb ka mida safka Real Madrid.

Majaladda Don Balon waxa ay sheegtay in cayaaryahanada Real Madrid qaarkood ay qorsheyn doonaan ka tegidda kooxda haddii ay qaadaan Champions League.

Waxa ay qortay in Ramos ogaaday in Isco, Luka Modric and Raphael Varane ay ka fekeri doonaan dhabbihii ay qaadi lahaayeen.

Isco fursad wanaagsan kama helin Zinedine Zidane ol’olahan waxaana ku raad joogta tiro kooxo ah oo ka tirsan Premier League.

Modric, oo ay da’diisu tahay 32, waxa uu doonaya tartan cusub waxa uuna ka fekeri doonaa ku noqoshada Premier League.

Dhinaca kale Varane waxaa si dhaw ula socda dhaq dhaqaaqiisa tababare Jose Mourinho oo raba in uu keeno Manchester United.

Iyada oo uu doonayo Portugal-ka in uu qarash galiyo daafac cusub, Varane waxaa soo jiidan karta suurtgalnimada ah in uu ka dheelo Premier League.

Don Balon waxa ay sheegeysaa in Varane uusan dareemin muxubada taageereyaasha Bernabue, in uu si  dar dar leh dib ugu bilaabo waayihiisa Old Trafford ma aha mid uu ka gaabin doono.

Hadda, Ramos waxa uu qabaa haddii ay Real Madrid hanato Champions League-ga in ay xarraas ka dhici doono safka hadda iyada oo sida la qabo madaxweynaha kooxda Florentino Perez hormuud ka noqon doono.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close