NATIIJO:Barcelona oo Garaacday Valencia Rikoorna ka dhigtay Horyaalka La liga+SAWIRO

(La liga ) 14 April 2018. Kooxda Barcelona ayaa sameysay rikoor cusub kadib guushii cariiriga aheyd ay ka gareen kooxda Valencia.

Kooxda hogaamineysa horyaalka La liga ayaa kor dhisatay rikoorka guuldara la’aanta waxeyna 39 kulan xiriir ah yihiin kuwo aan guuldareysan.

Barca oo maskaxdeeda ka dhex guuxeyso guuldardii naxdinta laheyd ee kasoo gaartay Roma tartanka Champions league,ayaa hogaanka kulanka qabatay kadib kubad uu la ciyaaray  Philippe Coutinho ciyaariyahan Luis Suarez kaas oo si saxan goolka ugu dhameystiray.

Waxeey u muuqatay Barcelona mid si raaxo leh ku guuleysan kartay markii uu goolka labaad madax ugu dhaliyay daafaca Samuel Umtiti kadib kubad koorna aheyd oo ka timid Coutinho.

Laakiin kooxda martida ayaa xili dambe heshay goolka calanka waxaana rigoore ugu dhaliyay laacibkooda Dani Parejo  kadib qalad uu Ousmane Dembele ku galay Andreas Pereira.

Goolhayaha Barac Ter Stegen ayaa ahaa mid si weyn kulanka uga muuqday wuxuuna sameyay dhawr badbaabin oo ay kamid aheyd kubad uu ka badbaadiyay ciyaariyahanka Carlos Soler iyo shuud kale oo uu badbaadiyay kaas oo birta lagaga garaacay kooxda Barcelona.

Barca, ayaa kaliya lix kulan ay ka xidtaa  horyaalkoodii ugu horeeyay oo ay guuldaro la’aan ku qaadan 38-da ciyaar ee La liga,iyagoona u baahan wax ka badan todobo dhibcood si ay u xaqiijiyaan hanashada horyaalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close