NATIIJO: Liverpool oo Guul Raaxo ah ka Gaartay Bournemouth+SAWIRO

(Premier League ) 14 April 2018. Kooxda Reds ayeysan dhib ku noqon iney dhafaan kooxda tabarta yar ee Bournemouth kadib ciyaar laba koox ku dhex martay gegida Anfield.

Ciyaarta ayaa aheyd mid dhan kasta ay Liverpool ka wanaagsaneed kaaxda  martida waxaana 7 daqiiqo goolka u bilaabay laacibkooda Sedo Mane goolkaas ayaana lagu maray dheesha qeybteeda koowaad.

Waxaa jirtay taban fursad oo ay gool ku dhalin kareen Liverpool kaambiyaha hor balse kaliya goolka mane ayaa ka suura galay

Markii dib la isugu soo laabtay ciyaarta ma jirin wax isbadal ah oo ka duwan qeybtii hore waxaana Liverpool ay halkeedii kasii kor dhisay weerarka ay ku hayaan goolka Bounemouth.

Boqorka gool dhalinta kooxda Mohamed Salah ayaa goolka labaad hogaanka ugu dheereeyay kooxdiisa wuxuuna sidaas ku dhalinayaa goolkiisii 40-aad ee xili ciyaaredkan iyo midkisii 39 ee horayaalka premier League.

Liverpool ayaa kala joogsi ka dhigin weerarkooda waxaana tusaale u ah in kooxda ay sameyay in ka badan 618 baas balse kooxda ayaa soo afjartay qaab ciyaareedkeeda wanaagsan iyadoona goolka sedexaad uu shabaqa dhaafsiiyay Roberto Firmino dhamaadka ciyaarta.

Dhanka Bournemouth ma jirin wax baacsi ah oo ay ku tijaabiyeen goolhayaha Liverpool ee Loris Karius ilaa Andrew Surman oo shuud waqti dambe ah ku tuurka goolkiisa

Balse guuldarada soo gaartay ayaa ka dhigay iney fadhiyaan kaalinta 11 waxeyna leeyihiin 38 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close