NATIIJO: Chelsea oo Guul soo Laabasho ah ka Gaartay Dhigooda Southampton+SAWIRO

(Premier League ) 14 April 2018. Kooxda Blues ayaa ku dhawaatay guuldaro kulankii ay galabata la qaateen naadiga Southampton ka hor inta uusan guul ku hogaanim laacibka badalka ku yimid ee Oliver Giroud.

Southampton ayaa qabatay hogaanka ciyaarta waxaana goolka u dhaliyay xidiga Dusan Tadic daqiiqadii 27-aad ee qeybta hore.

Waxaana sidaas lagu kala maray kulanka oo 1-0 lagu hor kacayo Difaacaysha horyaalka ee Chelsea.

Balse markii dib la isugu soo laabtay kaambiyadii  dambe kooxda Southampton ayaa sii laba kac leysay waxeyna dhaliyeen goolkooda laabda iyadoo uu shabaqa gaaray  daafaca Poland ee Jan Bednarek.

Kooxda uu leyliyo  Mark Hughes ayaa ciyaartii galabta u muuqday kuwo macalinkooda siin kara guushiisii ugu horeysay tan iyo markii uu qabtay shaqada kooxdaas 14 March, laakiin Giroud ayaa dilay rajadaas soona nooleeyay nolashii Chelsea.

Weeraryahanka France ayaa goola kowaad madax ugu dhaliyay Chelsea waana goolkii ugu horeyay ee uu kooxda u dhaliyay kulamada horyaalka waxaana goolka barbaraha ciyaarta ka dhigay keenay Eden Hazard ka hor inta uusan Giroud goolka guusha u suura galin Blues oo hadda Todobo dhibcood ay ka xidgto kaalinta Afaraad.

8 daqiiqo oo qura ay Chelsea ku qaadatay iney go’aamiyaan natiijada dheesha balse taa ma u ekaan kartaa mid badbaadisa shaqada Antonio Conte oo cadaadis saran yahay.

Kadib guuldaro niyad jabka ah ee soo gaartay kooxda Southampton ayaa ku jirata  kaalinta 18-aad ee kala sareynta horyaalka waxeyna doonayaan iney ka fogaadaan heerka labaad oo ay ugu danbeysay sanad ciyaareedkii 2011-12.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close