Muxuu Jose Mourinho ku yiri Pogba iyo Sanchez qeybtii nasashada ee Kulankii Manchester Derby?

(Manchester) 14 Abriil 2018. Alexis Sanchez iyo Paul Pogba ayaa markii dambe masraxa shitay xilli ay Manchester United laba gool oo ay Manchester City la hormartayu badalay kulankii Mancunian Derby.

Danny Higginbotham waxa uu sheegay in uu ogyahay waxa uu Jose Mourinho u soo sheegay labadaas qeybtii nasashada.

Alexis Sanchez waxa uu ka soo shaqeeyey goolkii kowaad ee Pogba isaga oo diib uu soo qaaday markii dambe xabad ku sii dhiibay Ander Herrera.

Kaddib waxa uu caawiyey goolkii labaad ee Pogba kaas oo kulanka ka dhigay 2-2.

Bandhigyadii wacnaa ee Sanchez iyo Pogba ee qaybtii dambe waxa ay cagsi ku ahayd qaab ciyaareedkoodii xumaa ee 45-kii daqiiqo ee hore.

Higginbotham oo ah mid ka soo baxay kuliyadda United ayaa daaha ka rogay waxa ay la tahay in Mourinho u soo sheegay labadaas laacib ee cayaarta wax ka badalay.

“Buste ayaad saari kartay labadooda qaybtii hore,” ayuu Higginbotham u qoray The Sun.

“Qaybtii dambe, Pogba waxa uu wada u xaaray Sanchez halka labadooda ay saameyn weyn ku yeesheen kulanka.

“Pogba waxaa ka kubadd taabasho badnaa Sanchez qeybtii dambe. Markaa wuu awooday in uu aad ugu lug yeesho cayaarta oo uu hal abuurkiisa aragtida leh  iyo dhiibistiisa halista ah sameeyo.

“Ka feker goolkii labaad ee Pogba, Sanchez gadaal ayuu soo aaday si uu u helo kubadda. Pogba gudaha ayuu u orday isaga oo daba maray Romelu Lukaku. Sanchez ayuu soo qabtay.

“Qeybtii nasashada, Jose Mourinho waxaa qasab ah in uu ku dhahay Sanchez: ‘Adiga shaqada qabo laakiin Pogba garbaha aad,middig  oo hore riix.”

Sanchez iyo Pogba waxa ay doonayaan in ay saameyntaas oo kale yeeshaan marka ay Manchester United toddobaadkan Old Trafford ku soo dhaweyso West Brom.

Kooxda Mourinho waxa ay ku jirtaa kaalinta labaad kahor kulanka Baggies.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close