Mohamed Salah oo qaaday tilaab u sii dhawaynaysa Real Madrid

(Madrid) 14 Abriil 2018 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa qaaday tilaab u sii dhawaynaysa kooxda Real Madrid.

Wiilka reer Masar ayaa daaha laga qaaday inuu guri ka raadinayo caasimada Spain ee Madrid, waana tilaab u sii dhawaynaysa Real Madrid sida ay baahisay Express.

Salah ayaa la wadaagay warkaan asxaabtiisa kooxda Liverpool, wuxuuna u sheegay inuu ku dhawyahay u dhaqaaqida Bernabeu dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Mohamed ayaa ka soo dhaqaaqay Roma xaggaagii hore, wuxuuna qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigayaa kooxdiisa Liverpool.

Real Madrid, Barcelona iyo PSG ayaa ku tartamaya saxiixiisa, laakiin sida muuqata kooxda boqortooyada Spain ayaa gacanta ku dhigtay xiddigaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close