Liiska xiddigaha u sharaxan abaal marinta laacibka sanadka ee Premier League oo la soo saaray

(London) 14 Abriil 2018 Waxaa la soo saaray liiska xiddigaha u sharaxan abaal marinta laacibka sanadka ee Premier League.

Kooxda hogaanka u haysa horyaalka ee Manchester City ayaa ku leh ciyaartoyda ugu badan, halka Arsenal iyo Chelsea aysan waba ku lahayn.

Liverpool, Manchester United iyo Tottenham ayaa min hal laacib ku leh tartanka abaal marinta laacibka ugu fiican Premier League xiliciyaareed kaan.

Mohamed Salah, Kevin De Bruyne, David Silva, David De Gea, Harry Kane iyo Leroy Sane ayaa loo soo xulay inay u tartamaan abaal marinta laacibka ugu fiican Premier League.

Guulaystaha waxaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta axada taariikhduna tahay 22-ka bishaan Abriil xaflad lagu qaban doono London.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close