“Hogaamiye Ronaldo ayaa ka wanaagsan caajislow Messi” – Xiddig horay u soo maray Barcelona oo afka furtay

(Barcelona) 14 Abriil 2018 Laacib horay u soo maray Barcelona ayaa caajis low ku tilmaamay Messi halka Ronaldo uu ku amaanay sidii kooxdiisa uu ugu soo saaray Semi Final-ka Champions League.

Xiddigii hore ee Arsenal iyo Barcelona ee Alexander Hleb ayaa amaanay Ronaldo kadib goolkii uu kooxdiisa ugu soo saaray Semi Final-ka.

Laakiin wuxuu ku eedeeyay Messi inuu awoodi waayay inuu xitaa hal gool u dhaliyo kooxdiisa si uu ugu soo saaro Semi Final-ka koobka horyaalada yurub.

“Dabcan Messi waa laacibka ugu fiican adduunka, waana hogaamiyaha Barcelona, laakiin waxay ahayd inuu caawiyo kooxda waqtigii adkaa” ayuu yiri Alexander Hleb.

“Balse waa uu awoodi waayay xitaa inuu dhaliyo kaliya hal gool, aniga oo ixtiraamaya Messi waxaan leeyahay Ronaldo ayaa uga fiican Messi dhanka hogaaminta kooxdiisa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close